Fadliga Ilaahay iyo halgan dheer kadib, wuxuu Eebe u suurogaliyey in muslimiinta la siiyo dhul, kaas oo ah dhulkii maamulka xaafadda Rinkeby xafiiska u ahaan jiray, si waqfigu uu masjid cusub uga dhiso.

Go´aankii ugu danbeeyey ee ay degmada Stockholm ka gaadhay dhismaha Masjidka wuxuu dhacay 13 disember 2013. Wuxuuna dhaqan galay bishii febraayo 2014.

Haddaba waxaan ku qasbannahay in aynu laba sano gudahooda ku billowno dhismaha Masjidka ugu danbayn febraayo 2016.

Baaxadda dhulka masaajidku waxay dhantahay 4780 m2 oo laga dhisi doono haddii Rabbi idmo, goobtii salaadda ragga iyo dumarka, kaas oo ay markiiba ku tukan karaan dad ka badan 2000 oo qof.

Intaas waxa dheer qaybtii dhalinyarada, Maktabad cilmi, goobo lagu qabto shirarka, maqaaxi, dukaammo, xafiisyo iyo waliba meel lagu jimicsado iyo Bastuu la isku diiriyo iwm.

Ujeedaduna waxay tahay in hawlahaas laga soo saaro dhaqaalaha iyo Masaariifta joogtada ah ee Masjidka, marka la dhiso, insha Allah.